الزلزلة
The Earthquake • 8 ayahs • Medinan
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
11. Marka arlada la gilgilo gilgilashadeeda daran (Qiyaamada).
22. Oo arladu soo bixiso culeysyadeeda (wixii ku aasnaa),
33. Aadmigu yidhaahdo: Maxay leedahay?
44. Maalintaas waxay ka warrami akhbaarteeda.
55. Inuu Rabbigaa u waxyooday darteed.
66. Maalintaas dadku wuxuu u soo dareeri rac rac si loo tusiyo 'jazaha' acmaashooda.
77. Ee qofkii fala samaan le’eg saxar wuu arki,
88. Qofkii falana xumaan le’eg saxar wuu arki.