العاديات
The Chargers • 11 ayahs • Meccan
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
11. Waxaan ku dhaartay ordayaasha dheereeya iyagoo qaylyi (fardaha dagaalka, iwm).
22. Iyo kuwa kiciya dhimbilaha dabka.
33. Iyo kuwa (cadowga) weerara subaxa horeba,
44. Ee boodhka kiciya,
55. Ee bartanka u gala kulanka 'cadowga';
66. Hubaal! Aadmigu waa ka abaal dhacaa Rabbigi (Allaah).
77. Isaga baana taasi ka markhaati ah.
88. Oo hubaal waa ku daran yahay Jaceylka maalka.
99. Ma wuusan ogeyn marka waxa ku jira qabuuraha la soo bixiyo.
1010. Waxa ku jirana laabaha la caddeeyo.
1111. Hubaal Rabbigood maalintaas waa u Xog-Ogaal (arrimahooda oo dhan).