الفاتحة
The Opening • 7 ayahs • Meccan
11. Waxaan Ku billaabi Magaca Alle, Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista badan.
22. Ammaan idilkeed iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.
33. Naxariistaha (Naxariis guud ahaaneed), Naxariista Badan [1].
44. Boqorka Maalinta Jaazeynta [2].
55. Adigoo Keliya baynu (Allow) ku caabudi, oo Adigoo Keliya baynu ku weydiisan kaalmo.
66. Nagu hanuuni (oo sug) Jidka Toosan.
77. Jidka kuwa aad u Nicmaysay [3], aan aheyn (jidka) kuwa loo cadhooday [4] iyo (jidka) kuwa lunsan midna [5].