التين
The Fig • 8 ayahs • Meccan
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
11. Waxaan ku dhaartay Tiinka iyo Zaytuunka [1].
22. Iyo Buurta Siinaay [2].
33. Iyo magaaladan Aaminka ah 'Makkah' [3],
44. Waxaan dhab ahaan u abuurnay Aadmiga qaab kan u wanaagsan.
55. Misna waxaan u celinnay hooseeyayaasha kan u hooseeya [4].
66. Kuwase (Xaqa) rumeeyey oo samaha fala, waxay leeyihiin jar aan weligi go’ynin (Janno).
77. Maxaa kugu xamaabri (aadmigow) inaad beeniso arrinka is abaal marinta (Aakhiro)?
88. Sow ma aha Alle Kan u wanaagsan inta wax xukunta [5]?