الشرح
The Relief • 8 ayahs • Meccan
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
11. Miyaanaan kuu waasicinnin (Nabi Muxammadow) laabtaada?
22. Oo sidaa kaaga dejin culeyskii ku saarnaa [1],
33. Kaasoo cusleeyey dhabarkaaga,
44. Oo aanaan kor yeelin meeqaankaaga?
55. Xaqiiq, dhibka waxaa la socda faraj.
66. Xaqiiq, waxaa dhibka la socda faraj.
77. Ee markaad bogto (salaadda) ku dadaal duceysiga (iyo Alle ammaanka iyo Xuskiis).
88. Xagga Rabbigaa (keliyana) wax ka rajee.