Al-Qadr

القدر

The Power5 ayahsMeccan

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

إِنَّآ أَنزَلۡنَٰهُ فِي لَيۡلَةِ ٱلۡقَدۡرِ﴿١

11. Waxaanu xaqiiq soo dejinnay (Qur’aanka) habeenka Qadarka.

وَمَآ أَدۡرَىٰكَ مَا لَيۡلَةُ ٱلۡقَدۡرِ﴿٢

22. Maxaa ku ogeysiiyey wuxuu habeenka Qadarku yahay?

لَيۡلَةُ ٱلۡقَدۡرِ خَيۡرٞ مِّنۡ أَلۡفِ شَهۡرٖ﴿٣

33. Habeenka Qadarku wuxuu ka khayr badan yahay kun bilood [1].

تَنَزَّلُ ٱلۡمَلَٰٓئِكَةُ وَٱلرُّوحُ فِيهَا بِإِذۡنِ رَبِّهِم مِّن كُلِّ أَمۡرٖ﴿٤

44. Malaa’igta iyo Jabriil baa la soo dega (habeenkaa) Idanka Rabbigood arrin walba oo xukun ah,

سَلَٰمٌ هِيَ حَتَّىٰ مَطۡلَعِ ٱلۡفَجۡرِ﴿٥

55. Nabad weeye (habeenkaa) ilaa waagu ka baryo [2].

RELATED SURAHS