As-Saffat

الصافات

Those Ranged in Ranks182 ayahsMeccan

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

وَٱلصَّٰٓفَّٰتِ صَفّٗا﴿١

11. Waxaan Anigu (Alle ah) ku dhaartay 'malaa’igta' safta safafka siman.

فَٱلزَّٰجِرَٰتِ زَجۡرٗا﴿٢

22. Iyo (malaa’igta) soo kaxeeya (daruuraha) soo kaxeyn.

فَٱلتَّٰلِيَٰتِ ذِكۡرًا﴿٣

33. Iyo (malaa’igta) akhriya "Qur’aanka' [1].

إِنَّ إِلَٰهَكُمۡ لَوَٰحِدٞ﴿٤

44.Hubaal, Ilaahiinnu (Runta ahi) waa Mid keliya (Allaah).

رَّبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَا وَرَبُّ ٱلۡمَشَٰرِقِ﴿٥

55. Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, iyo Rabbiga bariyada [2].

إِنَّا زَيَّنَّا ٱلسَّمَآءَ ٱلدُّنۡيَا بِزِينَةٍ ٱلۡكَوَاكِبِ﴿٦

66. Waxaanu xaqiiq ku qurxinnay samada soke qurux xiddigaha ah [3].

وَحِفۡظٗا مِّن كُلِّ شَيۡطَٰنٖ مَّارِدٖ﴿٧

77. Iyo ka ilaalin shaydaan walboo fallaago ah ee Naxariis (Alle) laga fogeeyey.

لَّا يَسَّمَّعُونَ إِلَى ٱلۡمَلَإِ ٱلۡأَعۡلَىٰ وَيُقۡذَفُونَ مِن كُلِّ جَانِبٖ﴿٨

88. Ma dhegaysan karaan (shayaadiinta) kulanka sare (ee malaa’igta samada) waxaana laga soo ganaa dhan kasta.

دُحُورٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٞ وَاصِبٌ﴿٩

99. Iyagoo (Shayaadiintaa) la soo eryey, waxayna leeyihiin cadaab joogto ah.

إِلَّا مَنۡ خَطِفَ ٱلۡخَطۡفَةَ فَأَتۡبَعَهُۥ شِهَابٞ ثَاقِبٞ﴿١٠

1010. Marka laga reebo mid mid dafa (hadal uu ka maqlay samada), markaasaa waxaa laga daba geeyaa danab dab ololoya ah.

فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَهُمۡ أَشَدُّ خَلۡقًا أَم مَّنۡ خَلَقۡنَآۚ إِنَّا خَلَقۡنَٰهُم مِّن طِينٖ لَّازِبِۭ﴿١١

1111. Ee weydii (gaalada) ma iyagaa abuur adag mise waxaa (kale sida malaa’igta, samooyinka, iyo arlada) ee aan abuurnay?. Waxaanu ka abuurnay (dadka) dhoobo dhagta.

بَلۡ عَجِبۡتَ وَيَسۡخَرُونَ﴿١٢

1212. Waxaadse la yaabtaa (beenintooda Xaqa), iyaguna way iska jees-jeesi.

وَإِذَا ذُكِّرُواْ لَا يَذۡكُرُونَ﴿١٣

1313. Marka la waaniyona ma waantoobaan.

وَإِذَا رَأَوۡاْ ءَايَةٗ يَسۡتَسۡخِرُونَ﴿١٤

1414. Markay arkaanna Calaamo (mucjizo) way ku jees-jeesaan.

وَقَالُوٓاْ إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا سِحۡرٞ مُّبِينٌ﴿١٥

1515. Waxayna yidhaahdaan: Waxa kanu ma aha waxaan ahayn sixir cad.

أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَبۡعُوثُونَ﴿١٦

1616. Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala soo bixin?

أَوَءَابَآؤُنَا ٱلۡأَوَّلُونَ﴿١٧

1717. Iyo aabbayaashayadii hore (iyagana ma la so bixin dhimasho kaddib)?.

قُلۡ نَعَمۡ وَأَنتُمۡ دَٰخِرُونَ﴿١٨

1818. Dheh: Haah, idinkoo waliba dulleysan.

فَإِنَّمَا هِيَ زَجۡرَةٞ وَٰحِدَةٞ فَإِذَا هُمۡ يَنظُرُونَ﴿١٩

1919. Waa uun afuuf mar keliya ah (buunka), markaasay (ka soo bixi qubuuraha) iyagoo wax eegi.

وَقَالُواْ يَٰوَيۡلَنَا هَٰذَا يَوۡمُ ٱلدِّينِ﴿٢٠

2020. Waxayna odhan: Hoog baa noo sug-naadaye! Kanu waa Maalinka Jaazeynta.

هَٰذَا يَوۡمُ ٱلۡفَصۡلِ ٱلَّذِي كُنتُم بِهِۦ تُكَذِّبُونَ﴿٢١

2121. Kani waa Maalinka kala baxa ee aad beenin jirteen.

۞ ٱحۡشُرُواْ ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ وَأَزۡوَٰجَهُمۡ وَمَا كَانُواْ يَعۡبُدُونَ﴿٢٢

2222. (Malaa'igay), soo kulmiya kuwii dulmi falka ahaa iyo eynigoodii [4] iyo waxay caabudi jireen.

مِن دُونِ ٱللَّهِ فَٱهۡدُوهُمۡ إِلَىٰ صِرَٰطِ ٱلۡجَحِيمِ﴿٢٣

2323. Alle sokadi, oo u taxaaba Naarta ololka badan.

وَقِفُوهُمۡۖ إِنَّهُم مَّسۡـُٔولُونَ﴿٢٤

2424. Joojiya, wax baa la weydiine (oo lagu qiri).

مَا لَكُمۡ لَا تَنَاصَرُونَ﴿٢٥

2525. Maxaad leedihiin oo aydaan isugu gargaareyn?

بَلۡ هُمُ ٱلۡيَوۡمَ مُسۡتَسۡلِمُونَ﴿٢٦

2626.Mayee, Maalintaa dhammaan way is dhiibi doonaan.

وَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ﴿٢٧

2727. Waxay ku jeesan qaarkoodba qaar iyagoo is weydiin?.

قَالُوٓاْ إِنَّكُمۡ كُنتُمۡ تَأۡتُونَنَا عَنِ ٱلۡيَمِينِ﴿٢٨

2828. Waxay (raciyadii ku) odhan (madaxdoodii): Waxaad nooga iman jirteen dhanka midig [5].

قَالُواْ بَل لَّمۡ تَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ﴿٢٩

2929. Waxay (madaxdii) odhan: Ma aha, ee idinkaan mu’miniin ahayn.

وَمَا كَانَ لَنَا عَلَيۡكُم مِّن سُلۡطَٰنِۭۖ بَلۡ كُنتُمۡ قَوۡمٗا طَٰغِينَ﴿٣٠

3030. Kuma aanu laheyn wax awood ah korkiinna. Ee waxaad ahaydeen qolo xad gudub badan.

فَحَقَّ عَلَيۡنَا قَوۡلُ رَبِّنَآۖ إِنَّا لَذَآئِقُونَ﴿٣١

3131. Sidaas awgeed waxaa nagu dhaboobay Qawlka Rabbigeen, xaqiiq waanu dhadhamin (Cadaabka).

فَأَغۡوَيۡنَٰكُمۡ إِنَّا كُنَّا غَٰوِينَ﴿٣٢

3232. Waan idin luminnay [6], innaguna waa lunsanayn.

فَإِنَّهُمۡ يَوۡمَئِذٖ فِي ٱلۡعَذَابِ مُشۡتَرِكُونَ﴿٣٣

3333. Iyagu (raciyaddii iyo kuwii la raacay) xaqiiq Maalinkaas cadaabkay wadaagi.

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَفۡعَلُ بِٱلۡمُجۡرِمِينَ﴿٣٤

3434. Sidaasaan ku fallaa denbiilayaasha.

إِنَّهُمۡ كَانُوٓاْ إِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱللَّهُ يَسۡتَكۡبِرُونَ﴿٣٥

3535. Waxay xaqiiq ahaayeen marka lagu yidhaahdo: Ma jiro Ilaah (Xaq ah) aan ahayn Allaah, kuwa iska weyneeya.

وَيَقُولُونَ أَئِنَّا لَتَارِكُوٓاْ ءَالِهَتِنَا لِشَاعِرٖ مَّجۡنُونِۭ﴿٣٦

3636. Iyagoo leh: Ma waxaan isaga dayn ilaahyadayada gabyaa Jinnoole ah?

بَلۡ جَآءَ بِٱلۡحَقِّ وَصَدَّقَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿٣٧

3737. Mayee’ wuxuu (Nabigu) la yimid Xaq, oo rumeeyey Rusushii (Alle soo diray).

إِنَّكُمۡ لَذَآئِقُواْ ٱلۡعَذَابِ ٱلۡأَلِيمِ﴿٣٨

3838. Waxaad idinku (gaaloy) dhadhamin cadaabka xanuunka badan.

وَمَا تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ﴿٣٩

3939. La idinkamana abaal mariyo waxaan aheyn waxaad fasheen.

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ﴿٤٠

4040. Addoommaha Alle maahee ee daacadda ah u Keli yeela Alle cibaadada.

أُوْلَٰٓئِكَ لَهُمۡ رِزۡقٞ مَّعۡلُومٞ﴿٤١

4141. Kuwaasi waxay leeyihiin risiq la yaqaan aan go'eyn (Jannada gudaheeda).

فَوَٰكِهُ وَهُم مُّكۡرَمُونَ﴿٤٢

4242. Midho, iyagoo lagu sharfi.

فِي جَنَّٰتِ ٱلنَّعِيمِ﴿٤٣

4343. Beeraha barwaaqada (Jannada).

عَلَىٰ سُرُرٖ مُّتَقَٰبِلِينَ﴿٤٤

4444. Sariiro sarreeya korkooda is qaabilsan fool ka fool (si farxad iyo reyn reyn leh).

يُطَافُ عَلَيۡهِم بِكَأۡسٖ مِّن مَّعِينِۭ﴿٤٥

4545. Waxaa lagula wareegi koobab (khamri daahir ah) ka soo shubma il (webiyo) saafi ah.

بَيۡضَآءَ لَذَّةٖ لِّلشَّٰرِبِينَ﴿٤٦

4646. Cad, oo u macaan kuwa cabbi.

لَا فِيهَا غَوۡلٞ وَلَا هُمۡ عَنۡهَا يُنزَفُونَ﴿٤٧

4747. Ma leh wax dhibaato ah, lagumana sarkhaamo (khamrada Jannada).

وَعِندَهُمۡ قَٰصِرَٰتُ ٱلطَّرۡفِ عِينٞ﴿٤٨

4848. Waxaana la jirkood ahaan haween dhowrsoon soo kooba araggooda, leh indho aad u qurxoon.

كَأَنَّهُنَّ بَيۡضٞ مَّكۡنُونٞ﴿٤٩

4949. La moodo ukummo aad loo dhowray.

فَأَقۡبَلَ بَعۡضُهُمۡ عَلَىٰ بَعۡضٖ يَتَسَآءَلُونَ﴿٥٠

5050. Waxay qaabili qaarkoodba qaarka kale (ehlu Jannaha) iyagoo is weydiin.

قَالَ قَآئِلٞ مِّنۡهُمۡ إِنِّي كَانَ لِي قَرِينٞ﴿٥١

5151. Midkood hadlaya baa odhan: Waxaan anigu lahaa saaxiib.

يَقُولُ أَءِنَّكَ لَمِنَ ٱلۡمُصَدِّقِينَ﴿٥٢

5252. Kaasoo odhan jiray: Ma waxaad ka mid tahay kuwa rumeysan (soo bixinta Qiyaame)?

أَءِذَا مِتۡنَا وَكُنَّا تُرَابٗا وَعِظَٰمًا أَءِنَّا لَمَدِينُونَ﴿٥٣

5353.Ma markaan dhimanno oo aan noqonno carro iyo lafo, miyaa nala abaal marin?.

قَالَ هَلۡ أَنتُم مُّطَّلِعُونَ﴿٥٤

5454. Wuxuu odhan: Ma ila dhuganeysaan?

فَٱطَّلَعَ فَرَءَاهُ فِي سَوَآءِ ٱلۡجَحِيمِ﴿٥٥

5555. Markaasuu dhugtaa oo ku arkaa Naarta bartankeeda.

قَالَ تَٱللَّهِ إِن كِدتَّ لَتُرۡدِينِ﴿٥٦

5656. Wuxuu odhan: Tallaahi! Waxaad sigtay inaad i halaagto (i dhumiso).

وَلَوۡلَا نِعۡمَةُ رَبِّي لَكُنتُ مِنَ ٱلۡمُحۡضَرِينَ﴿٥٧

5757. Haddayna jirin Nicmadda Rabbigay, waxaan ka mid ahaan lahaa kuwa la soo keenayo (Naarta).

أَفَمَا نَحۡنُ بِمَيِّتِينَ﴿٥٨

5858. Ma nihin miyaa kuwo dhiman.

إِلَّا مَوۡتَتَنَا ٱلۡأُولَىٰ وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ﴿٥٩

5959. Dhimashadayadii hore mooyaane? mana layna cadaabayo?

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَوۡزُ ٱلۡعَظِيمُ﴿٦٠

6060. Hubaal (arrin)kani waa Liibaanta Weyn.

لِمِثۡلِ هَٰذَا فَلۡيَعۡمَلِ ٱلۡعَٰمِلُونَ﴿٦١

6161. Ee (arrin)kanoo kale ha u camal fashaan kuwa camal fali.

أَذَٰلِكَ خَيۡرٞ نُّزُلًا أَمۡ شَجَرَةُ ٱلزَّقُّومِ﴿٦٢

6262. Ma (arrin)kani (Jannada) baa marti- qaad wanaagsan mise geedka Zaquum.

إِنَّا جَعَلۡنَٰهَا فِتۡنَةٗ لِّلظَّٰلِمِينَ﴿٦٣

6363. Waxaanu Annagu uga dhignay fidno (imtixaan) daalimiinta (gar diidka ah).

إِنَّهَا شَجَرَةٞ تَخۡرُجُ فِيٓ أَصۡلِ ٱلۡجَحِيمِ﴿٦٤

6464.Waa geed ka soo baxa Naarta salkeeda,

طَلۡعُهَا كَأَنَّهُۥ رُءُوسُ ٱلشَّيَٰطِينِ﴿٦٥

6565. Miraheeda la moodo madaxyada shaydaammada;

فَإِنَّهُمۡ لَأٓكِلُونَ مِنۡهَا فَمَالِـُٔونَ مِنۡهَا ٱلۡبُطُونَ﴿٦٦

6666. Waxay (ehlu naarku) wax ka cuni (geedkaa) oo ka buuxin caloolahooda.

ثُمَّ إِنَّ لَهُمۡ عَلَيۡهَا لَشَوۡبٗا مِّنۡ حَمِيمٖ﴿٦٧

6767. Waxay leeyihiin intaa kaddib cabbitaan isku dhaf kulul ah oo karaya.

ثُمَّ إِنَّ مَرۡجِعَهُمۡ لَإِلَى ٱلۡجَحِيمِ﴿٦٨

6868. Markaa waxay ku noqon xagga Naarta holaca badan.

إِنَّهُمۡ أَلۡفَوۡاْ ءَابَآءَهُمۡ ضَآلِّينَ﴿٦٩

6969. Waxay heleen aabbayaashood oo habowsan.

فَهُمۡ عَلَىٰٓ ءَاثَٰرِهِمۡ يُهۡرَعُونَ﴿٧٠

7070. Iyaguna raadkoodii bay ku degdegi.

وَلَقَدۡ ضَلَّ قَبۡلَهُمۡ أَكۡثَرُ ٱلۡأَوَّلِينَ﴿٧١

7171. Waxaa dhab ahaan lumay iyaga hortood badi dadkii hore.

وَلَقَدۡ أَرۡسَلۡنَا فِيهِم مُّنذِرِينَ﴿٧٢

7272. Waxaana dhab ahaan u dirnay digayaal.

فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ﴿٧٣

7373. Ee eeg siday aheyd cidhibta kuwii loo digay (aanse waansamin).

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ﴿٧٤

7474. Addoommaha Alle ee daacadda ah maahee u Keli yeela cibaadada (kuwaa dhib ma arkaan).

وَلَقَدۡ نَادَىٰنَا نُوحٞ فَلَنِعۡمَ ٱلۡمُجِيبُونَ﴿٧٥

7575. Waxaa dhab ahaan noo dhawaaqday Nuux, Annagaana u fiican wax ajiiba (baryada).

وَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥ مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ﴿٧٦

7676. Waxaana ka badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba kurbaddii weyneyd (haraqii).

وَجَعَلۡنَا ذُرِّيَّتَهُۥ هُمُ ٱلۡبَاقِينَ﴿٧٧

7777. Oo ka yeellay durriyaddiisa kuwa soo hadhay uun.

وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ﴿٧٨

7878. Waxaana u reebnay (ammaan wanaagsan) facyada dambe dhexdood.

سَلَٰمٌ عَلَىٰ نُوحٖ فِي ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿٧٩

7979. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Nuux.

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ﴿٨٠

8080. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿٨١

8181. Hubaal Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.

ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ﴿٨٢

8282. Markaasaan harqinnay intii kale.

۞ وَإِنَّ مِن شِيعَتِهِۦ لَإِبۡرَٰهِيمَ﴿٨٣

8383. Waxaana ka mid ah kuwa raacay jidkiisa Ibraahiim [7].

إِذۡ جَآءَ رَبَّهُۥ بِقَلۡبٖ سَلِيمٍ﴿٨٤

8484. Markuu ula yimid Rabbigi qalbi fayow [8].

إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَاذَا تَعۡبُدُونَ﴿٨٥

8585. Markuu ku yidhi aabbihi iyo dadkiisii: Waa maxay waxaad caabudaysaan?

أَئِفۡكًا ءَالِهَةٗ دُونَ ٱللَّهِ تُرِيدُونَ﴿٨٦

8686. been abuur, Ilaahyo aad barbar dhig- taan Allaah-miyaad dooneysaan idinku.

فَمَا ظَنُّكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿٨٧

8787. Maxaadse ka maleysaneysaan Rabbiga uumanka?

فَنَظَرَ نَظۡرَةٗ فِي ٱلنُّجُومِ﴿٨٨

8888. Markaasuu eegay eegmo xiddigaha,

فَقَالَ إِنِّي سَقِيمٞ﴿٨٩

8989. Wuxuuna yidhi: Anigu waa bukaa.

فَتَوَلَّوۡاْ عَنۡهُ مُدۡبِرِينَ﴿٩٠

9090. Markaasay ka jeesteen oo tageen.

فَرَاغَ إِلَىٰٓ ءَالِهَتِهِمۡ فَقَالَ أَلَا تَأۡكُلُونَ﴿٩١

9191. Markaasuu aaday ilaahyadoodii, oo yidhi: Miyeydaan (wax) cuneyn [9].

مَا لَكُمۡ لَا تَنطِقُونَ﴿٩٢

9292. Maxaad leedihiin oo aydaan la hadleyn?

فَرَاغَ عَلَيۡهِمۡ ضَرۡبَۢا بِٱلۡيَمِينِ﴿٩٣

9393. Markaasuu ku jeestay oo ku garaacay gacanta midig.

فَأَقۡبَلُوٓاْ إِلَيۡهِ يَزِفُّونَ﴿٩٤

9494. Markaasay soo aadeen (dadkii) xaggiisa iyagoo soo degdegaya.

قَالَ أَتَعۡبُدُونَ مَا تَنۡحِتُونَ﴿٩٥

9595. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (idinku sameysaan)?

وَٱللَّهُ خَلَقَكُمۡ وَمَا تَعۡمَلُونَ﴿٩٦

9696. Allaah baana idin abuuray idinka iyo waxaad sameysaanba?

قَالُواْ ٱبۡنُواْ لَهُۥ بُنۡيَٰنٗا فَأَلۡقُوهُ فِي ٱلۡجَحِيمِ﴿٩٧

9797. Waxay yidhaahdeen: U dhisa meel (dab lagu shido) kuna tuura dabkaa ololaya.

فَأَرَادُواْ بِهِۦ كَيۡدٗا فَجَعَلۡنَٰهُمُ ٱلۡأَسۡفَلِينَ﴿٩٨

9898. Waxay la dooneen dabin ka dhan ah, iyagaanse ka dhignay kuwa hooseeya.

وَقَالَ إِنِّي ذَاهِبٌ إِلَىٰ رَبِّي سَيَهۡدِينِ﴿٩٩

9999. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Anigu waxaan aadayaa xagga Rabbigay. Wuu i hanuunin.

رَبِّ هَبۡ لِي مِنَ ٱلصَّٰلِحِينَ﴿١٠٠

100100. Rabbiyow! I sii (ubad) wanaagsan.

فَبَشَّرۡنَٰهُ بِغُلَٰمٍ حَلِيمٖ﴿١٠١

101101. Waxaana ugu bishaaraynay wiil dul qaad badan (Ismaaciil).

فَلَمَّا بَلَغَ مَعَهُ ٱلسَّعۡيَ قَالَ يَٰبُنَيَّ إِنِّيٓ أَرَىٰ فِي ٱلۡمَنَامِ أَنِّيٓ أَذۡبَحُكَ فَٱنظُرۡ مَاذَا تَرَىٰۚ قَالَ يَٰٓأَبَتِ ٱفۡعَلۡ مَا تُؤۡمَرُۖ سَتَجِدُنِيٓ إِن شَآءَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلصَّٰبِرِينَ﴿١٠٢

102102.Markuu gaaray da' inuu la shaqeeyo oo hanaqaaday [10], (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Maandhow! Waxaan ku arkay riyo anigoo kuu gawracaya (qurbaan ahaan Alle darti), ee bal eegoo maxay kula tahay. (Ismaaciil) wuxuu yidhi: Aabbow! Fal waxa lagu amray, hadduu Alle idmo, waxaad heli inaan ka mid noqdo kuwa samir yeesha.

فَلَمَّآ أَسۡلَمَا وَتَلَّهُۥ لِلۡجَبِينِ﴿١٠٣

103103. Markay hoggaansameen oo uu u dhigay dhabanka (si uu u gowraco).

وَنَٰدَيۡنَٰهُ أَن يَٰٓإِبۡرَٰهِيمُ﴿١٠٤

104104. baan u dhawaaqnay Annagoo leh: Ibraahiimow.

قَدۡ صَدَّقۡتَ ٱلرُّءۡيَآۚ إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ﴿١٠٥

105105.Waxaad ka rumeysay riyadii. Sidaas baan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡبَلَٰٓؤُاْ ٱلۡمُبِينُ﴿١٠٦

106106. Xaqiiq, arrinkani wuxuu ahaa imtixaan cad.

وَفَدَيۡنَٰهُ بِذِبۡحٍ عَظِيمٖ﴿١٠٧

107107. Waxaana (Ismaaciil) ku furannay wan weyn (oo buuran).

وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ﴿١٠٨

108108. Waxaana ugu dhaafnay (Ibraahiim ammaan fiican) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.

سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِبۡرَٰهِيمَ﴿١٠٩

109109. Salaan (Nabadgelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ibraahiim.

كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ﴿١١٠

110110. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿١١١

111111. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu'miniinta ah.

وَبَشَّرۡنَٰهُ بِإِسۡحَٰقَ نَبِيّٗا مِّنَ ٱلصَّٰلِحِينَ﴿١١٢

112112. Waxaan (markaa kaddib) ugu bishaareynay Isxaaq [11] _ Nabi ka mid ah kuwa wanaagsan.

وَبَٰرَكۡنَا عَلَيۡهِ وَعَلَىٰٓ إِسۡحَٰقَۚ وَمِن ذُرِّيَّتِهِمَا مُحۡسِنٞ وَظَالِمٞ لِّنَفۡسِهِۦ مُبِينٞ﴿١١٣

113113. Waanu barakaynay isaga iyo Isxaaqba, ubadkoodana waxaa ka mid ah mid sama fala iyo mid naftiisa u dulmiya si cad.

وَلَقَدۡ مَنَنَّا عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ﴿١١٤

114114. Waxaanu dhab ahaan ku mannaysannay wanaag Muuse iyo Haaruun.

وَنَجَّيۡنَٰهُمَا وَقَوۡمَهُمَا مِنَ ٱلۡكَرۡبِ ٱلۡعَظِيمِ﴿١١٥

115115. Oo ka badbaadinnay iyaga iyo dadkoodii kurbaddii weynayd (harqintii iyo addoonsigii iyo dulleysigii lagu hayey).

وَنَصَرۡنَٰهُمۡ فَكَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ﴿١١٦

116116. Waanu u gargaarnay, sidaa darteed waxay ahaayeen kuwa adkaaday.

وَءَاتَيۡنَٰهُمَا ٱلۡكِتَٰبَ ٱلۡمُسۡتَبِينَ﴿١١٧

117117. Waxaanuna siinnay Kitaabka (Towraadda) Xujada cad ah.

وَهَدَيۡنَٰهُمَا ٱلصِّرَٰطَ ٱلۡمُسۡتَقِيمَ﴿١١٨

118118. Oo ku hanuuninnay Jidka Toosan 'ee Islaamka' [12];

وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِمَا فِي ٱلۡأٓخِرِينَ﴿١١٩

119119. Waxaan ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood .

سَلَٰمٌ عَلَىٰ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ﴿١٢٠

120120.Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkooda ha ahaato Muuse iyo Haaruun.

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ﴿١٢١

121121. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

إِنَّهُمَا مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿١٢٢

122122. Waxay xaqiiq ka mid ahaayeen addoomahayaga mu'miniinta ah.

وَإِنَّ إِلۡيَاسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٢٣

123123. Oo xaqiiq Ilyaas wuxuu ka mid ahaa Rususha.

إِذۡ قَالَ لِقَوۡمِهِۦٓ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٢٤

124124. Markuu ku yidhi tolkiisii, Miyeydaan ka dhowrsanayn (shirkiga iyo xumaha kale)?

أَتَدۡعُونَ بَعۡلٗا وَتَذَرُونَ أَحۡسَنَ ٱلۡخَٰلِقِينَ﴿١٢٥

125125. Ma waxaad baridaan Bacal [13] oo ka tagtaan Kan u wanaagsan abuurayaasha.

ٱللَّهَ رَبَّكُمۡ وَرَبَّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ﴿١٢٦

126126. Allaah, ee ah Rabbigiin (Runta ah) iyo Rabbiga Aabbayaashiinnii hore?.

فَكَذَّبُوهُ فَإِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ﴿١٢٧

127127. Wayse beeniyeen, waxaana xaqiiq loo soo kulmin (Cadaab),

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ﴿١٢٨

128128. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

وَتَرَكۡنَا عَلَيۡهِ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ﴿١٢٩

129129. Waxaana ugu dhaafnay (ammaan) facyada dambe (oo dhan) dhexdood.

سَلَٰمٌ عَلَىٰٓ إِلۡ يَاسِينَ﴿١٣٠

130130. Salaan (Nabad gelyo iyo Ammaan Alle) korkiisa ha ahaato Ilyaasiin [14].

إِنَّا كَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ﴿١٣١

131131. Sidaasaan ku abaal marinnaa sama falayaasha.

إِنَّهُۥ مِنۡ عِبَادِنَا ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿١٣٢

132132. Wuxuu ka mid ahaa addoomahayaga mu’miniinta ah.

وَإِنَّ لُوطٗا لَّمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٣٣

133133. Oo xaqiiq Luud wuxuu ka mid ahaa Rususha.

إِذۡ نَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ﴿١٣٤

134134. (Xus) markaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisaba, dhammaan,

إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ﴿١٣٥

135135. Habar duq ah (marwadiisii) maahee oo ku hadhay (halaagga).

ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ﴿١٣٦

136136. Kaddib waxaan baabbi’innay intii kale.

وَإِنَّكُمۡ لَتَمُرُّونَ عَلَيۡهِم مُّصۡبِحِينَ﴿١٣٧

137137. Waxaadna xaqiiq ag martaan (dhulkoodii) subaxnimo,

وَبِٱلَّيۡلِۚ أَفَلَا تَعۡقِلُونَ﴿١٣٨

138138. Iyo habeennimo, ee miyeydaan wax garan?

وَإِنَّ يُونُسَ لَمِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٣٩

139139. Oo xaqiiq Yuunus wuxuu ka mid ahaa Rusushii (la soo diray).

إِذۡ أَبَقَ إِلَى ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ﴿١٤٠

140140. (Xus) markuu u cararay doonnidii buuxday.

فَسَاهَمَ فَكَانَ مِنَ ٱلۡمُدۡحَضِينَ﴿١٤١

141141. Marka wuu la qori tuurtay [15], wuxuuse noqday mid laga raayey (baddana lagu tuuray).

فَٱلۡتَقَمَهُ ٱلۡحُوتُ وَهُوَ مُلِيمٞ﴿١٤٢

142142. Markaasuu nibirigu liqay isagoo eedeysan [16].

فَلَوۡلَآ أَنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلۡمُسَبِّحِينَ﴿١٤٣

143143. Haddiise ay ahaateen inuu ka mid ahaa kuwa na xurmo weyneeya oo tasbiixsada (ee ehlu salaadka ah).

لَلَبِثَ فِي بَطۡنِهِۦٓ إِلَىٰ يَوۡمِ يُبۡعَثُونَ﴿١٤٤

144144. Wuxuu ku negaan lahaa caloosha (nibriga) tan iyo Maalinta Qiyaamaha.

۞ فَنَبَذۡنَٰهُ بِٱلۡعَرَآءِ وَهُوَ سَقِيمٞ﴿١٤٥

145145. Waxaana ku soo tuurnay bannaan cid la' ah isagoo buka.

وَأَنۢبَتۡنَا عَلَيۡهِ شَجَرَةٗ مِّن يَقۡطِينٖ﴿١٤٦

146146. Waxaana u soo bixinnay geed Aredube ah [17].

وَأَرۡسَلۡنَٰهُ إِلَىٰ مِاْئَةِ أَلۡفٍ أَوۡ يَزِيدُونَ﴿١٤٧

147147. Waxaana u dirnay Boqol kun ama ka badanba.

فَـَٔامَنُواْ فَمَتَّعۡنَٰهُمۡ إِلَىٰ حِينٖ﴿١٤٨

148148. Wayna rumeeyeen; waxaana u raaxeynay ilaa muddo.

فَٱسۡتَفۡتِهِمۡ أَلِرَبِّكَ ٱلۡبَنَاتُ وَلَهُمُ ٱلۡبَنُونَ﴿١٤٩

149149. Ee weydii (gaalada) in Rabbigaa gabdho leeyahay, iyaguna wiilal?

أَمۡ خَلَقۡنَا ٱلۡمَلَٰٓئِكَةَ إِنَٰثٗا وَهُمۡ شَٰهِدُونَ﴿١٥٠

150150. Mise ma waxaan abuurnay malaa'igta dheddig ahaan, iyaguna ay goob joog ka ahaayeen?

أَلَآ إِنَّهُم مِّنۡ إِفۡكِهِمۡ لَيَقُولُونَ﴿١٥١

151151. Ogaada, taasi xaqiiq waa been abuurashadooda inay yidhaahdaan:

وَلَدَ ٱللَّهُ وَإِنَّهُمۡ لَكَٰذِبُونَ﴿١٥٢

152152. Allaa ilmo leh, waana beenaalayaal dhabtii.

أَصۡطَفَى ٱلۡبَنَاتِ عَلَى ٱلۡبَنِينَ﴿١٥٣

153153. Ma wuxuu gabdho ka doortay wiilal?

مَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ﴿١٥٤

154154. Maxaa si idin ka ah, sidee baad wax u xukumeysaan?

أَفَلَا تَذَكَّرُونَ﴿١٥٥

155155. Ee miyeydaan xusuusanayn (inuusan Alle lahayn xaas, wiil, gabdho, kuna habbooneyn inuu yeesho ilmo)?

أَمۡ لَكُمۡ سُلۡطَٰنٞ مُّبِينٞ﴿١٥٦

156156.Mise ma waxaad heysataan Xujo Cad?

فَأۡتُواْ بِكِتَٰبِكُمۡ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ﴿١٥٧

157157. Ee keena Kitaabkiinna (caddayn) haddaad run sheegaysaan?

وَجَعَلُواْ بَيۡنَهُۥ وَبَيۡنَ ٱلۡجِنَّةِ نَسَبٗاۚ وَلَقَدۡ عَلِمَتِ ٱلۡجِنَّةُ إِنَّهُمۡ لَمُحۡضَرُونَ﴿١٥٨

158158. Waxayse yeelaan (qaraabo) nasab Isaga (Alle) iyo malaa’igta dhexdooda, oo dhab ahaan waxay malaa’igtu og yihiin in (kuwa sidaa yidhaahda) la keeni 'cadaabka Naarta' [18].

سُبۡحَٰنَ ٱللَّهِ عَمَّا يَصِفُونَ﴿١٥٩

159159. Xurmo waxaa iska leh Allaah, Wuu ka hufan yahay waxay ku sheegayaan.

إِلَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ﴿١٦٠

160160. Addoomaha Alle maahee ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

فَإِنَّكُمۡ وَمَا تَعۡبُدُونَ﴿١٦١

161161. Xaqiiq, idinka iyo waxaad caabudaysaanba (gaaloy).

مَآ أَنتُمۡ عَلَيۡهِ بِفَٰتِنِينَ﴿١٦٢

162162. Cidna kuma fidnayn kartaan [19].

إِلَّا مَنۡ هُوَ صَالِ ٱلۡجَحِيمِ﴿١٦٣

163163. Mid maahee Naarta geli oo ku guban.

وَمَا مِنَّآ إِلَّا لَهُۥ مَقَامٞ مَّعۡلُومٞ﴿١٦٤

164164. Ma jiro mid naga mid ah (malaa’igta) aan lahayn meel lagu og yahay [20].

وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلصَّآفُّونَ﴿١٦٥

165165. Waana innaga (malaa’igta ah) xaqiiq kuwa u safta safafka siman.

وَإِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡمُسَبِّحُونَ﴿١٦٦

166166. Waana innaga (malaa'igta ah) xaqiiq kuwa xurmo weyneeya oo hufa 'Alle' [21].

وَإِن كَانُواْ لَيَقُولُونَ﴿١٦٧

167167. Waxayna (gaaladu) odhan jireen:

لَوۡ أَنَّ عِندَنَا ذِكۡرٗا مِّنَ ٱلۡأَوَّلِينَ﴿١٦٨

168168. Hadduu yahay agtannada xuskii (warkii) kuwii hore 'Kitaab' [22] .

لَكُنَّا عِبَادَ ٱللَّهِ ٱلۡمُخۡلَصِينَ﴿١٦٩

169169. Waxaan ahaan laheyn addoomaha Alle ee daacadda ah u keli yeela cibaadada.

فَكَفَرُواْ بِهِۦۖ فَسَوۡفَ يَعۡلَمُونَ﴿١٧٠

170170. Wayse ku gaaloobaan 'haatan' [23], marka way ogaan doonaan.

وَلَقَدۡ سَبَقَتۡ كَلِمَتُنَا لِعِبَادِنَا ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٧١

171171. Waxaa dhab ahaan ugu hormaray Kelmaddayada (Yaboohayaga) addoomahayaga Rususha ah.

إِنَّهُمۡ لَهُمُ ٱلۡمَنصُورُونَ﴿١٧٢

172172. Inay yihiin kuwa xaqiiq loo gargaari.

وَإِنَّ جُندَنَا لَهُمُ ٱلۡغَٰلِبُونَ﴿١٧٣

173173. Iyo in ciidammadayadu ay yihiin xaqiiq kuwa adkaan.

فَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ﴿١٧٤

174174. Ee isaga jeeso ilaa muddo,

وَأَبۡصِرۡهُمۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ﴿١٧٥

175175. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ﴿١٧٦

176176. Ma Cadaabkanaga bay (gaaladu) degdegsanayaan?

فَإِذَا نَزَلَ بِسَاحَتِهِمۡ فَسَآءَ صَبَاحُ ٱلۡمُنذَرِينَ﴿١٧٧

177177. Markase uu ku soo dego ardaagooda, waxaa xumaan subaxa kuwa loo digay.

وَتَوَلَّ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ حِينٖ﴿١٧٨

178178. Ee isaga jeeso iyaga ilaa muddo.

وَأَبۡصِرۡ فَسَوۡفَ يُبۡصِرُونَ﴿١٧٩

179179. Aragna (waxa ku dhaca), iyaguna sidoo kale way arki.

سُبۡحَٰنَ رَبِّكَ رَبِّ ٱلۡعِزَّةِ عَمَّا يَصِفُونَ﴿١٨٠

180180. Xurmo oo dhan waxaa iska leh oo (xumaan ka) hufan Rabbigaa (Allaah), Rabbiga Sharafta leh, ka sarreeya waxay (gaaladu) ku tilmaamaan (sida inuu leeyahay wiil, gabdho, xaas, iwm).

وَسَلَٰمٌ عَلَى ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٨١

181181. Nabadi korkooda ha ahaato Rususha (Alle).

وَٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٨٢

182182. Ammaan oo dhan iyo mahad waxaa leh Allaah, Rabbiga uumanka.

RELATED SURAHS