Ash-Shu'ara

الشعراء

The Poets227 ayahsMeccan

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ

طسٓمٓ﴿١

11. Taa Siin Miim [1].

تِلۡكَ ءَايَٰتُ ٱلۡكِتَٰبِ ٱلۡمُبِينِ﴿٢

22. Kuwakani waa Aayadaha Kitaabka (Qur’aanka) ee Cad.

لَعَلَّكَ بَٰخِعٞ نَّفۡسَكَ أَلَّا يَكُونُواْ مُؤۡمِنِينَ﴿٣

33. Waa intaasoo aad naftaada ku disho (murugo) inaysan rumayn (Xaqa) darteed.

إِن نَّشَأۡ نُنَزِّلۡ عَلَيۡهِم مِّنَ ٱلسَّمَآءِ ءَايَةٗ فَظَلَّتۡ أَعۡنَٰقُهُمۡ لَهَا خَٰضِعِينَ﴿٤

44. Haddaan doonno, Waxaan kaga soo dejin calaamo cirka, ay luqumahoodu u hogtaan [2].

وَمَا يَأۡتِيهِم مِّن ذِكۡرٖ مِّنَ ٱلرَّحۡمَٰنِ مُحۡدَثٍ إِلَّا كَانُواْ عَنۡهُ مُعۡرِضِينَ﴿٥

55. Uga ma yimaado waano (Qur'aan) xagga Raxmaanka 'Alle' iyagoo cusub oo is daba jooga, waase ka jeesadaan.

فَقَدۡ كَذَّبُواْ فَسَيَأۡتِيهِمۡ أَنۢبَٰٓؤُاْ مَا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ﴿٦

66. Waxay dhab ahaan beeniyeen (Xaqa), sidaas darteed waxaa u imaan wararka waxay ku jees-jeesayeen.

أَوَلَمۡ يَرَوۡاْ إِلَى ٱلۡأَرۡضِ كَمۡ أَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ﴿٧

77. Miyeyna arkayn dhulka intee baan nooc kasta oo dhir wanaagsan ah sababnay inuu ka soo baxo?

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿٨

88. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿٩

99. Hubaalna Rabbigaa waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

وَإِذۡ نَادَىٰ رَبُّكَ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱئۡتِ ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّٰلِمِينَ﴿١٠

1010. (Xus) markuu Rabbigaa u yeedhay Muuse (Isagoo leh): U tag qoloda daalimiinta (gar ma qaatayaasha) ah.

قَوۡمَ فِرۡعَوۡنَۚ أَلَا يَتَّقُونَ﴿١١

1111. Qolada Fircoon, miyaanay iska jireyn (xumaha oo u hoggaansameyn Alle)?

قَالَ رَبِّ إِنِّيٓ أَخَافُ أَن يُكَذِّبُونِ﴿١٢

1212. (Muuse) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Waxaan ka cabsan inay i beeniyaan,

وَيَضِيقُ صَدۡرِي وَلَا يَنطَلِقُ لِسَانِي فَأَرۡسِلۡ إِلَىٰ هَٰرُونَ﴿١٣

1313. Oo ay cidhiidhyoonto laabteydu, oo caddeyn kari waayo (hadalka) carrabkaygu. Ee dir la jirkay Haaruun (inuu i caawiyo).

وَلَهُمۡ عَلَيَّ ذَنۢبٞ فَأَخَافُ أَن يَقۡتُلُونِ﴿١٤

1414. Waxayna igu heystaan denbi (dil aan geystey ah), sidaas darteed waxaan ka cabsan inay i dilaan.

قَالَ كَلَّاۖ فَٱذۡهَبَا بِـَٔايَٰتِنَآۖ إِنَّا مَعَكُم مُّسۡتَمِعُونَ﴿١٥

1515. (Alle) wuxuu yidhi: “Ma jirto! Ee la taga idinku Aayadahayaga. Hubaal, Annagaa idinla jirna oo idin maqleyna.

فَأۡتِيَا فِرۡعَوۡنَ فَقُولَآ إِنَّا رَسُولُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٦

1616. U taga Fircoon oo ku dhaha: "Innagu waxaanu nahay Rusuulka Rabbiga uumanka".

أَنۡ أَرۡسِلۡ مَعَنَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ﴿١٧

1717.Ee nagu dar hana raacaane reer Israa’iil.

قَالَ أَلَمۡ نُرَبِّكَ فِينَا وَلِيدٗا وَلَبِثۡتَ فِينَا مِنۡ عُمُرِكَ سِنِينَ﴿١٨

1818. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waanaan kugu barbaarin dhexdayada adigoo ilmo yar ah? Oo aad nala joogin sannado badan ka mid ah cimrigaaga?

وَفَعَلۡتَ فَعۡلَتَكَ ٱلَّتِي فَعَلۡتَ وَأَنتَ مِنَ ٱلۡكَٰفِرِينَ﴿١٩

1919. Oo aad fashay falkaagii aad fashay (dishay nin) waxaadna tahay abaal laawe.

قَالَ فَعَلۡتُهَآ إِذٗا وَأَنَا۠ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ﴿٢٠

2020. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waxaan falay anigoon wax garanayn.

فَفَرَرۡتُ مِنكُمۡ لَمَّا خِفۡتُكُمۡ فَوَهَبَ لِي رَبِّي حُكۡمٗا وَجَعَلَنِي مِنَ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿٢١

2121. Waana idinka cararay markaan idinka cabsaday, markaasuu Rabbigay I siiyey Nabinnimo (iyo Cilmi), oo iga yeelay mid ka mid ah Rususha.

وَتِلۡكَ نِعۡمَةٞ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنۡ عَبَّدتَّ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ﴿٢٢

2222. Oo taasi (inaan ku soo barbaaray gurigaaga) - ma nicmad baa aad iigu lib sheegan, adigoo addoonsaday reer Israa’iil?

قَالَ فِرۡعَوۡنُ وَمَا رَبُّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿٢٣

2323. Fircoon wuxuu yidhi: Muxuu yahay Rabbiga uumanka?

قَالَ رَبُّ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُم مُّوقِنِينَ﴿٢٤

2424. (Muuse) wuxuu yidhi: “Waa Rabbiga samooyinka iyo arlada iyo waxa u dhexeeya, haddaad (rumeyn) idinkoo yaqiinsan.

قَالَ لِمَنۡ حَوۡلَهُۥٓ أَلَا تَسۡتَمِعُونَ﴿٢٥

2525. (Fircoon) wuxuu ku yidhi kuwii hareera joogay: Ma waydaan maqleyn?

قَالَ رَبُّكُمۡ وَرَبُّ ءَابَآئِكُمُ ٱلۡأَوَّلِينَ﴿٢٦

2626. (Muuse) Wuxuu yidhi: (Alle) waa Rabbigiin iyo Rabbiga aabbayaashiinnii hore.

قَالَ إِنَّ رَسُولَكُمُ ٱلَّذِيٓ أُرۡسِلَ إِلَيۡكُمۡ لَمَجۡنُونٞ﴿٢٧

2727. (Fircoon) wuxuu yidhi [3]: Hubaal Rasuulkiinna la idiin soo diray waa jinnoole.

قَالَ رَبُّ ٱلۡمَشۡرِقِ وَٱلۡمَغۡرِبِ وَمَا بَيۡنَهُمَآۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡقِلُونَ﴿٢٨

2828. (Muuse) wuxuu yidhi: Waa Rabbiga bariga iyo galbeedka iyo inta u dhexeysa, haddaad wax fahmeysaan.

قَالَ لَئِنِ ٱتَّخَذۡتَ إِلَٰهًا غَيۡرِي لَأَجۡعَلَنَّكَ مِنَ ٱلۡمَسۡجُونِينَ﴿٢٩

2929. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haddaad yeelato ilaah kale aan aniga ahayn, Waxaan kaa mid dhigayaa kuwa xabbisan.

قَالَ أَوَلَوۡ جِئۡتُكَ بِشَيۡءٖ مُّبِينٖ﴿٣٠

3030.(Muuse) wuxuu yidhi:“Ma xitaa haddaan kuula imaado wax cad?

قَالَ فَأۡتِ بِهِۦٓ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ﴿٣١

3131. (Fircoon) wuxuu yidhi: La imow, haddaad run sheegi.

فَأَلۡقَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ ثُعۡبَانٞ مُّبِينٞ﴿٣٢

3232. Markaasuu (Muuse) tuuray ushiisii, mise waa mas muuqda.

وَنَزَعَ يَدَهُۥ فَإِذَا هِيَ بَيۡضَآءُ لِلنَّٰظِرِينَ﴿٣٣

3333. Oo soo saaray gacantiisii mise, waa mid u cad (ifeysa) kuwa eegaya.

قَالَ لِلۡمَلَإِ حَوۡلَهُۥٓ إِنَّ هَٰذَا لَسَٰحِرٌ عَلِيمٞ﴿٣٤

3434. (Fircoon) wuxuu ku yidhi xildhibaannadii hareera joogay: Kanu xaqiiq waa saaxir xeel dheer.

يُرِيدُ أَن يُخۡرِجَكُم مِّنۡ أَرۡضِكُم بِسِحۡرِهِۦ فَمَاذَا تَأۡمُرُونَ﴿٣٥

3535. Raba inuu idin kaga saaro dhulkiinna sixirkiisa, ee maxaad ku talineysaan?

قَالُوٓاْ أَرۡجِهۡ وَأَخَاهُ وَٱبۡعَثۡ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ﴿٣٦

3636. Waxay yidhaahdeen: Dib u dhig isaga iyo walaalki (xaalkooda in yar) oo u dir magaalooyinka kuwo soo kulmiya [4].

يَأۡتُوكَ بِكُلِّ سَحَّارٍ عَلِيمٖ﴿٣٧

3737. Inay kuu keenaan saaxir kasta oo xeel dheer.

فَجُمِعَ ٱلسَّحَرَةُ لِمِيقَٰتِ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ﴿٣٨

3838. Markaasaa sixiroolayaashii la isugu soo wada kulmiyey madal maalin la yaqaan.

وَقِيلَ لِلنَّاسِ هَلۡ أَنتُم مُّجۡتَمِعُونَ﴿٣٩

3939. Waxaa lagu yidhi dadkii: Ma soo kulmeysaan?

لَعَلَّنَا نَتَّبِعُ ٱلسَّحَرَةَ إِن كَانُواْ هُمُ ٱلۡغَٰلِبِينَ﴿٤٠

4040. Inaan raacno sixiroolayasha hadday adkaadaan.

فَلَمَّا جَآءَ ٱلسَّحَرَةُ قَالُواْ لِفِرۡعَوۡنَ أَئِنَّ لَنَا لَأَجۡرًا إِن كُنَّا نَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبِينَ﴿٤١

4141. Markay yimaadeen sixiroolayaashii, waxay ku yidhaahdeen Fircoon: “Ma leennahay abaalgud haddaan innagu adkaanno?

قَالَ نَعَمۡ وَإِنَّكُمۡ إِذٗا لَّمِنَ ٱلۡمُقَرَّبِينَ﴿٤٢

4242. (Fircoon) wuxuu yidhi: Haah, idinkuna markaas waxaad ka mid ahaaneysaan kuwa ii dhow.

قَالَ لَهُم مُّوسَىٰٓ أَلۡقُواْ مَآ أَنتُم مُّلۡقُونَ﴿٤٣

4343. Muuse wuxuu ku yidhi: Tuura waxaad idinku tuuraysaan.

فَأَلۡقَوۡاْ حِبَالَهُمۡ وَعِصِيَّهُمۡ وَقَالُواْ بِعِزَّةِ فِرۡعَوۡنَ إِنَّا لَنَحۡنُ ٱلۡغَٰلِبُونَ﴿٤٤

4444. Markaasay tuureen xargahoodii iyo ulahoodii oo yidhaahdeen: “Waa nagu sharafta Fircoone, innagaa adkaan".

فَأَلۡقَىٰ مُوسَىٰ عَصَاهُ فَإِذَا هِيَ تَلۡقَفُ مَا يَأۡفِكُونَ﴿٤٥

4545. Markaasuu tuuray Muuse ushiisii, mise waxay guratay oo liqliqday waxay been maleegeen.

فَأُلۡقِيَ ٱلسَّحَرَةُ سَٰجِدِينَ﴿٤٦

4646. Sixiroolayaashiina dhulkay la dhaceen sujuud.

قَالُوٓاْ ءَامَنَّا بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿٤٧

4747. Waxay yidhaahdeen: Waxaynu rumeynay Rabbiga uumanka.

رَبِّ مُوسَىٰ وَهَٰرُونَ﴿٤٨

4848. Rabbiga Muuse iyo Haaruun.

قَالَ ءَامَنتُمۡ لَهُۥ قَبۡلَ أَنۡ ءَاذَنَ لَكُمۡۖ إِنَّهُۥ لَكَبِيرُكُمُ ٱلَّذِي عَلَّمَكُمُ ٱلسِّحۡرَ فَلَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَۚ لَأُقَطِّعَنَّ أَيۡدِيَكُمۡ وَأَرۡجُلَكُم مِّنۡ خِلَٰفٖ وَلَأُصَلِّبَنَّكُمۡ أَجۡمَعِينَ﴿٤٩

4949. (Fircoon) wuxuu yidhi: Ma waxaad rumeyseen (Muuse) ka hor intaan idiin idmin; waa kan idiinku weyn ee idin baray sixirka, waadse ogaan dontaan, waxaan u goyn gacmahiinna iyo lugahiinna isdhaaf waana idin daldali dhammaan.

قَالُواْ لَا ضَيۡرَۖ إِنَّآ إِلَىٰ رَبِّنَا مُنقَلِبُونَ﴿٥٠

5050. Waxay yidhaahdeen: Dhib ma laha; Innagu Xagga Rabigayo baan u noqon.

إِنَّا نَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لَنَا رَبُّنَا خَطَٰيَٰنَآ أَن كُنَّآ أَوَّلَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿٥١

5151. Waxaanu rajayneynaa inuu Rabbigayo noo dhaafo gefefkayaga, inaanu nahay kuwa u hor rumeeeyey (Xaqa).

۞ وَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنۡ أَسۡرِ بِعِبَادِيٓ إِنَّكُم مُّتَّبَعُونَ﴿٥٢

5252. Waxaanu u waxyoonnay Muuse Annagoo leh: “La bax Addoomahayga idinkoo ku baxaya guuro habeennimo, waa la idiin soo raaciye.

فَأَرۡسَلَ فِرۡعَوۡنُ فِي ٱلۡمَدَآئِنِ حَٰشِرِينَ﴿٥٣

5353. Markaasuu Fircoon u diray magaaloo- yinka kuwo soo kulmiya (askartiisii).

إِنَّ هَٰٓؤُلَآءِ لَشِرۡذِمَةٞ قَلِيلُونَ﴿٥٤

5454. (Isagoo leh) xaqiiq kuwani wax koox yar,

وَإِنَّهُمۡ لَنَا لَغَآئِظُونَ﴿٥٥

5555. Wayna na cadho geliyeen runtii;

وَإِنَّا لَجَمِيعٌ حَٰذِرُونَ﴿٥٦

5656. Waxaanu nahay xaqiiq kuwo had iyo jeer digtoon.

فَأَخۡرَجۡنَٰهُم مِّن جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ﴿٥٧

5757. Markaasaan ka saarnay beero iyo ilo.

وَكُنُوزٖ وَمَقَامٖ كَرِيمٖ﴿٥٨

5858. Iyo maaliyad iyo meeqaan wanaagsan.

كَذَٰلِكَۖ وَأَوۡرَثۡنَٰهَا بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ﴿٥٩

5959. Waa sidaase, waxaan dhaxalsiinnay reer Israa’iil.

فَأَتۡبَعُوهُم مُّشۡرِقِينَ﴿٦٠

6060. Markaasay (Fircoon iyo askartiisii) soo raacdeysteen goor qorrax soo bax ah.

فَلَمَّا تَرَٰٓءَا ٱلۡجَمۡعَانِ قَالَ أَصۡحَٰبُ مُوسَىٰٓ إِنَّا لَمُدۡرَكُونَ﴿٦١

6161. Markay labadii ciidan isu muuqdeen, Waxay yidhaahdeen asxaabtii Muuse: “Xaqiiq, waa nala haleelay”.

قَالَ كَلَّآۖ إِنَّ مَعِيَ رَبِّي سَيَهۡدِينِ﴿٦٢

6262. (Muuse) wuxuu yidhi: Ma jirto. Waxaa ila jira Rabbigay, wuxuu i tusi jid aan ka baxo.

فَأَوۡحَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَىٰٓ أَنِ ٱضۡرِب بِّعَصَاكَ ٱلۡبَحۡرَۖ فَٱنفَلَقَ فَكَانَ كُلُّ فِرۡقٖ كَٱلطَّوۡدِ ٱلۡعَظِيمِ﴿٦٣

6363. Markaasaan u waxyoonnay Muuse (Annagoo leh): Ku dhufo badda ushaada. Markaasay kala dhanbalantay oo qayb walba waxay noqotay sida buur weyn.

وَأَزۡلَفۡنَا ثَمَّ ٱلۡأٓخَرِينَ﴿٦٤

6464. Waxaana ku soo dhoweynay halkaa kuwii kale (qoladii Fircoon).

وَأَنجَيۡنَا مُوسَىٰ وَمَن مَّعَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ﴿٦٥

6565. Waxaanu badbaadinnay Muuse iyo intii la jirtay dhammaan.

ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ﴿٦٦

6666. Kaddib waxaan harqinnay kuwii kale (Fircoon iyo qolodiisii).

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿٦٧

6767. Hubaal, Waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿٦٨

6868. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista badan.

وَٱتۡلُ عَلَيۡهِمۡ نَبَأَ إِبۡرَٰهِيمَ﴿٦٩

6969. Oo u akhri qisadii Ibraahiim.

إِذۡ قَالَ لِأَبِيهِ وَقَوۡمِهِۦ مَا تَعۡبُدُونَ﴿٧٠

7070. Markuu ku yidhi aabbihi iyo qolodiisii: “Waa maxay waxaad caabudaysaan?

قَالُواْ نَعۡبُدُ أَصۡنَامٗا فَنَظَلُّ لَهَا عَٰكِفِينَ﴿٧١

7171. Waxay yidhaahdeen: Waxaan caa- budi asnaam, oo ag yuruursan (fadhin).

قَالَ هَلۡ يَسۡمَعُونَكُمۡ إِذۡ تَدۡعُونَ﴿٧٢

7272. (Ibraahiim) wuxuu yidhi: Miyey idin maqlayaan markaad baryeysaan?.

أَوۡ يَنفَعُونَكُمۡ أَوۡ يَضُرُّونَ﴿٧٣

7373. Waxse ma idin tari karaan ama idin yeeli karaan?

قَالُواْ بَلۡ وَجَدۡنَآ ءَابَآءَنَا كَذَٰلِكَ يَفۡعَلُونَ﴿٧٤

7474. Waxay yidhaahdeen: Mayee, waxaan hellay aabbayaashayadii hore oo sidaas falaya.

قَالَ أَفَرَءَيۡتُم مَّا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ﴿٧٥

7575. Wuxuu yidhi: Bal ka warrama waxaad caabudeysaan -

أَنتُمۡ وَءَابَآؤُكُمُ ٱلۡأَقۡدَمُونَ﴿٧٦

7676. “Idinka iyo aabbayaashiinnii horeba?-

فَإِنَّهُمۡ عَدُوّٞ لِّيٓ إِلَّا رَبَّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿٧٧

7777.Iyagu waa cadowgay oo col baan nahay, mase aha (sidaa) Rabbiga uumanka [5].

ٱلَّذِي خَلَقَنِي فَهُوَ يَهۡدِينِ﴿٧٨

7878. “(Alle), ee i abuuray, ahna Kan i hanuunsha.

وَٱلَّذِي هُوَ يُطۡعِمُنِي وَيَسۡقِينِ﴿٧٩

7979. Ee ah Kan I quudiya oo i waraabsha.

وَإِذَا مَرِضۡتُ فَهُوَ يَشۡفِينِ﴿٨٠

8080. Markaan bukoodo, Isagaa (Alle) I bogsiya.

وَٱلَّذِي يُمِيتُنِي ثُمَّ يُحۡيِينِ﴿٨١

8181. Waa Kan i dhinsiin, haddana ii soo nooleyn (mar kale);

وَٱلَّذِيٓ أَطۡمَعُ أَن يَغۡفِرَ لِي خَطِيٓـَٔتِي يَوۡمَ ٱلدِّينِ﴿٨٢

8282. Waana Kan aan rajeeyo inuu ii dhaafo gefkayga Maalinta Abaal marinta'Qiyaame'.

رَبِّ هَبۡ لِي حُكۡمٗا وَأَلۡحِقۡنِي بِٱلصَّٰلِحِينَ﴿٨٣

8383. Rabbiyow! I sii cilmi (iyo fahmo), ina haleeshii kuwa wanaagsan.

وَٱجۡعَل لِّي لِسَانَ صِدۡقٖ فِي ٱلۡأٓخِرِينَ﴿٨٤

8484. Oo ii yeel xus fiican facyada dambe dhexdood.

وَٱجۡعَلۡنِي مِن وَرَثَةِ جَنَّةِ ٱلنَّعِيمِ﴿٨٥

8585. Iga mid yeel dhaxlayaasha Jannada barwaaqada ah.

وَٱغۡفِرۡ لِأَبِيٓ إِنَّهُۥ كَانَ مِنَ ٱلضَّآلِّينَ﴿٨٦

8686. U denbi dhaaf aabbahay, wuxuu ka mid yahay kuwaa lunsane.

وَلَا تُخۡزِنِي يَوۡمَ يُبۡعَثُونَ﴿٨٧

8787. Ha i dulleynna Maalinta la soo bixin (dadka - Maalinta Qiyaame).

يَوۡمَ لَا يَنفَعُ مَالٞ وَلَا بَنُونَ﴿٨٨

8888. Maalinta aysan wax tareyn maal iyo ilmo midna.

إِلَّا مَنۡ أَتَى ٱللَّهَ بِقَلۡبٖ سَلِيمٖ﴿٨٩

8989. Mid maahee ula yimaada Alle qalbi fayow [6].

وَأُزۡلِفَتِ ٱلۡجَنَّةُ لِلۡمُتَّقِينَ﴿٩٠

9090. Waxaa loo soo dhoweynna Jannada kuwa Alle ka cabsada 'ee iska jira xumaha'.

وَبُرِّزَتِ ٱلۡجَحِيمُ لِلۡغَاوِينَ﴿٩١

9191. Loo muujinna Naarta kuwa habowsan.

وَقِيلَ لَهُمۡ أَيۡنَ مَا كُنتُمۡ تَعۡبُدُونَ﴿٩٢

9292. Waxaa lagu odhan: Meeye waxaad caabudeyseen?

مِن دُونِ ٱللَّهِ هَلۡ يَنصُرُونَكُمۡ أَوۡ يَنتَصِرُونَ﴿٩٣

9393. Alle sokadi? Miyey idiin gargaari karaan,mase u gargaari karaan nafahooda?

فَكُبۡكِبُواْ فِيهَا هُمۡ وَٱلۡغَاوُۥنَ﴿٩٤

9494. Markaasaa waxaa loogu tuuri wejiweji (Naarta) - iyaga iyo kuwa habowsanba.

وَجُنُودُ إِبۡلِيسَ أَجۡمَعُونَ﴿٩٥

9595. Iyo askartii ibliis oo dhan.

قَالُواْ وَهُمۡ فِيهَا يَخۡتَصِمُونَ﴿٩٦

9696. Waxay odhan iyagoo ku murmaya dhexdeeda (Naarta),

تَٱللَّهِ إِن كُنَّا لَفِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٍ﴿٩٧

9797. Tallaahi, waxaanu ahayn kuwo ku sugan habow cad.

إِذۡ نُسَوِّيكُم بِرَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿٩٨

9898. Markaan idin la sinnay Rabbiga uumanka.

وَمَآ أَضَلَّنَآ إِلَّا ٱلۡمُجۡرِمُونَ﴿٩٩

9999. Cidna nama aysan luminna aan ahayn denbiilayaasha (madax xun, wadaaddo xun, faaliyayaal, saaxiibbo xun, iwm).

فَمَا لَنَا مِن شَٰفِعِينَ﴿١٠٠

100100. Haatan ma lihin wax garab na siiya.

وَلَا صَدِيقٍ حَمِيمٖ﴿١٠١

101101. Iyo saaxiib run ah midna.

فَلَوۡ أَنَّ لَنَا كَرَّةٗ فَنَكُونَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿١٠٢

102102. Haddii na la siin lahaa hal fursad si aan ugu laabanno (dunidii) waxaan ka mid ahaan lahayn mu'miniinta [7].

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿١٠٣

103103. Hubaal, waxaa arrinkaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿١٠٤

104104. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

كَذَّبَتۡ قَوۡمُ نُوحٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٠٥

105105. Qolodii Nuux waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ نُوحٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٠٦

106106. Markuu walaalkood Nuux ku yidhi: “Miyeydaan ka dhowrsaneyn (shirkiga)?

إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ﴿١٠٧

107107. Anigu waxaan xaqiiq idiin ahay Rasuul aamin ah.

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٠٨

108108. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٠٩

109109. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaal gudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١١٠

110110. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

۞ قَالُوٓاْ أَنُؤۡمِنُ لَكَ وَٱتَّبَعَكَ ٱلۡأَرۡذَلُونَ﴿١١١

111111. Waxay yidhaahdeen: Ma adigaan ku rumaysannaa iyagoo kuwii u liitay (dadka) ay ku raaceen?

قَالَ وَمَا عِلۡمِي بِمَا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ﴿١١٢

112112. Wuxuu yidhi: Maxaan ka ogahay waxay fali jireen?

إِنۡ حِسَابُهُمۡ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّيۖ لَوۡ تَشۡعُرُونَ﴿١١٣

113113. “Xisaabtoodu waxaa leh oo keliya Rabbigay, haddaad garanaysaan.

وَمَآ أَنَا۠ بِطَارِدِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿١١٤

114114. Oo anigu ma eryayo mu’miniinta.

إِنۡ أَنَا۠ إِلَّا نَذِيرٞ مُّبِينٞ﴿١١٥

115115. Ma ahi anigu waxaan ahayn dige cad.

قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰنُوحُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمَرۡجُومِينَ﴿١١٦

116116. Waxay yidhaahdeen: Haddaad joojin oo aadan ka harin 'ku baaqaaga Towxiidka' Nuuxow! Waxaad ka mid noqon kuwa la dhagaxyeeyo.

قَالَ رَبِّ إِنَّ قَوۡمِي كَذَّبُونِ﴿١١٧

117117. (Nuux) wuxuu yidhi: Rabbiyow! Qoonkeygii way i beeniyeen.

فَٱفۡتَحۡ بَيۡنِي وَبَيۡنَهُمۡ فَتۡحٗا وَنَجِّنِي وَمَن مَّعِيَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿١١٨

118118. Ee noo kala garsoor aniga iyo iyaga garsoor (xaq ah), ina badbaadi aniga iyo kuwa ila jira ee mu'miniinta ah.

فَأَنجَيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ ٱلۡمَشۡحُونِ﴿١١٩

119119. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo intii kula jirtayba Doonidii buuxday.

ثُمَّ أَغۡرَقۡنَا بَعۡدُ ٱلۡبَاقِينَ﴿١٢٠

120120. Kaddibna waxaan harqinnay kuwii hadhay (gaaladii).

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿١٢١

121121. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumeyn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿١٢٢

122122. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

كَذَّبَتۡ عَادٌ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٢٣

123123. Caad waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ هُودٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٢٤

124124. Markuu walaalkood Huud ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo xumaha kale)?.

إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ﴿١٢٥

125125. Xaqiiq, anigu Waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٢٦

126126. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٢٧

127127. “Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

أَتَبۡنُونَ بِكُلِّ رِيعٍ ءَايَةٗ تَعۡبَثُونَ﴿١٢٨

128128. Ma waxaad ka dhistaan taag waliba taallo [8]? Macno daranaa waxaas aad fashaan.

وَتَتَّخِذُونَ مَصَانِعَ لَعَلَّكُمۡ تَخۡلُدُونَ﴿١٢٩

129129. Oo yeelataan dhismooyin adag inaad waartaan.

وَإِذَا بَطَشۡتُم بَطَشۡتُمۡ جَبَّارِينَ﴿١٣٠

130130. Markaad cid soo qabaneysaanna waxaad u soo qabataan si daran idinkoo daalimiin ah?

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٣١

131131. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِيٓ أَمَدَّكُم بِمَا تَعۡلَمُونَ﴿١٣٢

132132. Ka cabsada 'Alle ee ah' Kan idin siiyey (waxyaalaha wanaagsan) aad ogtihiin.

أَمَدَّكُم بِأَنۡعَٰمٖ وَبَنِينَ﴿١٣٣

133133. Idin siiyey xoolo iyo ilmo.

وَجَنَّٰتٖ وَعُيُونٍ﴿١٣٤

134134. Iyo beero tanaad ah iyo ilo.

إِنِّيٓ أَخَافُ عَلَيۡكُمۡ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٖ﴿١٣٥

135135. Waxaan xaqiiq idiinka cabsan (oo digayaa) cadaab Maalin weyn.

قَالُواْ سَوَآءٌ عَلَيۡنَآ أَوَعَظۡتَ أَمۡ لَمۡ تَكُن مِّنَ ٱلۡوَٰعِظِينَ﴿١٣٦

136136. Waxay yidhaahdeen: Waa isugu kaaya mid haddaad na wacdido ama aad ka mid ahaan kuwa dadka wacdiya.

إِنۡ هَٰذَآ إِلَّا خُلُقُ ٱلۡأَوَّلِينَ﴿١٣٧

137137. Kanu ma aha waxaan aheyn caadadii dadkii hore (ee laga tagay).

وَمَا نَحۡنُ بِمُعَذَّبِينَ﴿١٣٨

138138. Oo ma nihin kuwo la cadaabayo.

فَكَذَّبُوهُ فَأَهۡلَكۡنَٰهُمۡۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿١٣٩

139139. Wayse beeniyeen, markaasaan halaagnay. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿١٤٠

140140. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

كَذَّبَتۡ ثَمُودُ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٤١

141141. Thamuud waxay beenisay Rusushii.

إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ صَٰلِحٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٤٢

142142. Markuu walaalkood Saalix ku yidhi: “Miyeydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ﴿١٤٣

143143. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul Aamin ah.

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٤٤

144144. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٤٥

145145. Idinkuma weydiisto wax abaal gud ah (Diinta Alle), abaalgudkeygu waxaan ka sugayaa oo keliya Rabbiga uumanka.

أَتُتۡرَكُونَ فِي مَا هَٰهُنَآ ءَامِنِينَ﴿١٤٦

146146. Ma waxaa la idiinkaga tagi halkan idinkoo nabad ah?

فِي جَنَّٰتٖ وَعُيُونٖ﴿١٤٧

147147. Ku sugan beero iyo ilo.

وَزُرُوعٖ وَنَخۡلٖ طَلۡعُهَا هَضِيمٞ﴿١٤٨

148148. Iyo dhir iyo geedo timir fiiddeedu bisayl tahay.

وَتَنۡحِتُونَ مِنَ ٱلۡجِبَالِ بُيُوتٗا فَٰرِهِينَ﴿١٤٩

149149. Oo aad ka qodataan guryo buuraha idinkoo isla weyn.

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٥٠

150150. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

وَلَا تُطِيعُوٓاْ أَمۡرَ ٱلۡمُسۡرِفِينَ﴿١٥١

151151. Oo ha adeecina amarka xad gudbayaasha.

ٱلَّذِينَ يُفۡسِدُونَ فِي ٱلۡأَرۡضِ وَلَا يُصۡلِحُونَ﴿١٥٢

152152. Kuwa fasahaadiya arlada oo aan hagaajin.

قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ﴿١٥٣

153153. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran.

مَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا فَأۡتِ بِـَٔايَةٍ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ﴿١٥٤

154154. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah. Ee noo keen calaamo haddaad run sheegayso.

قَالَ هَٰذِهِۦ نَاقَةٞ لَّهَا شِرۡبٞ وَلَكُمۡ شِرۡبُ يَوۡمٖ مَّعۡلُومٖ﴿١٥٥

155155. (Saalix) wuxuu yidhi: Tani waa Hal [9]; waxay u leedahay xaq inay cabto (biyo) maalin, idinkuna waxaad u leedihin xaq inaad cabtaan (biyo) maalin la yaqaan.

وَلَا تَمَسُّوهَا بِسُوٓءٖ فَيَأۡخُذَكُمۡ عَذَابُ يَوۡمٍ عَظِيمٖ﴿١٥٦

156156. Ee ha ku taabannina wax xumaan (dhib) ah, yeysan idin qabane cadaab Maalin weyn.

فَعَقَرُوهَا فَأَصۡبَحُواْ نَٰدِمِينَ﴿١٥٧

157157. Waase boqna gooyeen hashii (oo dileen), markaasay ka shallaayeen.

فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿١٥٨

158158. Markaasaa waxaa qabtay cadaab. Arrinkaa waxaa xaqiiq ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿١٥٩

159159. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

كَذَّبَتۡ قَوۡمُ لُوطٍ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٦٠

160160. Qoonkii Luud waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

إِذۡ قَالَ لَهُمۡ أَخُوهُمۡ لُوطٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٦١

161161. Markuu walaalkood Luud ku yidhi: “Ma waydaan iska jireyn (shirkiga iyo xumaha kale)?

إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ﴿١٦٢

162162. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٦٣

163163. Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٦٤

164164. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

أَتَأۡتُونَ ٱلذُّكۡرَانَ مِنَ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٦٥

165165. Ma waxaad u tagtaan (galmootaan) labka oo aad kaga soocmaysaan arrinkaas Uumanka [10].

وَتَذَرُونَ مَا خَلَقَ لَكُمۡ رَبُّكُم مِّنۡ أَزۡوَٰجِكُمۚ بَلۡ أَنتُمۡ قَوۡمٌ عَادُونَ﴿١٦٦

166166. Oo aad ka tagtaan wuxuu Rabbigiin idiin abuuray oo xaasaskiinna ah? Mayee, waxaad tihiin qolo xadgudba.

قَالُواْ لَئِن لَّمۡ تَنتَهِ يَٰلُوطُ لَتَكُونَنَّ مِنَ ٱلۡمُخۡرَجِينَ﴿١٦٧

167167. Waxay yidhaahdeen: Haddaadan joojin Luudow (baaqaagan)! Waxaad ka mid noqon kuwa debedda loo saaro.

قَالَ إِنِّي لِعَمَلِكُم مِّنَ ٱلۡقَالِينَ﴿١٦٨

168168. (Luud) wuxuu yidhi: Anigu waxaan ka mid ahay kuwa diiddan ee neceb camalkiinna (xun).

رَبِّ نَجِّنِي وَأَهۡلِي مِمَّا يَعۡمَلُونَ﴿١٦٩

169169. Rabbiyow! iga badbaadi aniga iyo Ehelkaygaba waxay falaan.

فَنَجَّيۡنَٰهُ وَأَهۡلَهُۥٓ أَجۡمَعِينَ﴿١٧٠

170170. Markaasaan badbaadinnay isaga iyo ehelkiisiiba, dhammaan.

إِلَّا عَجُوزٗا فِي ٱلۡغَٰبِرِينَ﴿١٧١

171171. Habar duqowday ma ahee [11] ka mid aheyd kuwaasi ku haray gadaal 'cadaabka'.

ثُمَّ دَمَّرۡنَا ٱلۡأٓخَرِينَ﴿١٧٢

172172. Markaasaan baabbi’innay intii kale.

وَأَمۡطَرۡنَا عَلَيۡهِم مَّطَرٗاۖ فَسَآءَ مَطَرُ ٱلۡمُنذَرِينَ﴿١٧٣

173173. Waxaana ku soo daadinnay roob (dhagxaan naar ah). Xumaa roobka kuwa loo digay.

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿١٧٤

174174. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿١٧٥

175175. Hubaalna Rabbigaa (Alle), waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

كَذَّبَ أَصۡحَٰبُ لۡـَٔيۡكَةِ ٱلۡمُرۡسَلِينَ﴿١٧٦

176176. Reer Hawdkii (dadkii Madyan) waxay beeniyeen Rusushii (Alle).

إِذۡ قَالَ لَهُمۡ شُعَيۡبٌ أَلَا تَتَّقُونَ﴿١٧٧

177177. Markuu Shucayb ku yidhi: “Ma waydaan ka joogeyn (shirkiga iyo Xumaha kale)?.

إِنِّي لَكُمۡ رَسُولٌ أَمِينٞ﴿١٧٨

178178. Xaqiiq, waxaan anigu idiin ahay Rasuul aamin ah.

فَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُونِ﴿١٧٩

179179. “Ee Alle ka cabsada oo i adeeca.

وَمَآ أَسۡـَٔلُكُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَىٰ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٨٠

180180. Idinkuma weydiisto wax abaalgud ah (Diinta Alle), abaalgudkeyga waxaan ka sugaa oo keliya Rabbiga uumanka.

۞ أَوۡفُواْ ٱلۡكَيۡلَ وَلَا تَكُونُواْ مِنَ ٱلۡمُخۡسِرِينَ﴿١٨١

181181. Bixiya beeg dhan hana ka mid noqonnina kuwa wax ka dhima.

وَزِنُواْ بِٱلۡقِسۡطَاسِ ٱلۡمُسۡتَقِيمِ﴿١٨٢

182182. Oo wax ku miisaama Miisaan toosan.

وَلَا تَبۡخَسُواْ ٱلنَّاسَ أَشۡيَآءَهُمۡ وَلَا تَعۡثَوۡاْ فِي ٱلۡأَرۡضِ مُفۡسِدِينَ﴿١٨٣

183183. Ha ka dhimina dadka waxyaala- hooda ay xaq u leeyihiin, oo ha ku bi'innina (hallaynina) arlada ku falid fasahaad.

وَٱتَّقُواْ ٱلَّذِي خَلَقَكُمۡ وَٱلۡجِبِلَّةَ ٱلۡأَوَّلِينَ﴿١٨٤

184184. Oo ka cabsada (Alle ee ah) Kan idin abuuray idinka iyo uumankii horeba.

قَالُوٓاْ إِنَّمَآ أَنتَ مِنَ ٱلۡمُسَحَّرِينَ﴿١٨٥

185185. Waxay yidhaahdeen: Waxaad tahay oo keliya mid ka mid ah kuwa sixran [12].

وَمَآ أَنتَ إِلَّا بَشَرٞ مِّثۡلُنَا وَإِن نَّظُنُّكَ لَمِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ﴿١٨٦

186186. Ma ahid waxaan ahayn qof nala mid ah, waxaana malaynaynaa inaad ka mid tahay beenlowyada.

فَأَسۡقِطۡ عَلَيۡنَا كِسَفٗا مِّنَ ٱلسَّمَآءِ إِن كُنتَ مِنَ ٱلصَّٰدِقِينَ﴿١٨٧

187187. Ee nagu soo rid gabal samada ah haddaad run sheegi.

قَالَ رَبِّيٓ أَعۡلَمُ بِمَا تَعۡمَلُونَ﴿١٨٨

188188. Wuxuu yidhi: Rabbigay baa Ogsoon waxaad fashaan.

فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمۡ عَذَابُ يَوۡمِ ٱلظُّلَّةِۚ إِنَّهُۥ كَانَ عَذَابَ يَوۡمٍ عَظِيمٍ﴿١٨٩

189189. Wayse beeniyeen, markaasaa cadaab maalintii harka (daruur madow) qabatay, waxay aheyd cadaab Maalin daran.

إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗۖ وَمَا كَانَ أَكۡثَرُهُم مُّؤۡمِنِينَ﴿١٩٠

190190. Hubaal, arrinkaa waxaa ku sugan calaamo, mase aha badankoodu kuwo rumayn.

وَإِنَّ رَبَّكَ لَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلرَّحِيمُ﴿١٩١

191191. Hubaalna Rabbigaa (Alle) waa Adkaadaha Sare, Naxariista Badan.

وَإِنَّهُۥ لَتَنزِيلُ رَبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ﴿١٩٢

192192. Oo hubaal, (Qur’aan)kani waa Waxyi ka soo degay xagga Rabbiga uumanka.

نَزَلَ بِهِ ٱلرُّوحُ ٱلۡأَمِينُ﴿١٩٣

193193. Ruuxa aaminka ah (Jabriil) baa la soo degey (oo ku shubay) .

عَلَىٰ قَلۡبِكَ لِتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ﴿١٩٤

194194. Qalbigaaga (Nabi Muxammadow) si aad uga mid noqoto Digayaasha.

بِلِسَانٍ عَرَبِيّٖ مُّبِينٖ﴿١٩٥

195195. Isagoo af Carabi faseex ah.

وَإِنَّهُۥ لَفِي زُبُرِ ٱلۡأَوَّلِينَ﴿١٩٦

196196. Wuxuuna xaqiiq ku yaal Kutubtii dadkii hore (Towraadda iyo Injiilka).

أَوَلَمۡ يَكُن لَّهُمۡ ءَايَةً أَن يَعۡلَمَهُۥ عُلَمَٰٓؤُاْ بَنِيٓ إِسۡرَٰٓءِيلَ﴿١٩٧

197197. Miyeyna calaamo u ahayn inay culimidii reer Israa'iil ogaayeen?

وَلَوۡ نَزَّلۡنَٰهُ عَلَىٰ بَعۡضِ ٱلۡأَعۡجَمِينَ﴿١٩٨

198198. Haddaan ku soo dejin laheyn (Qur’aankani) cajamiga midkood [13].

فَقَرَأَهُۥ عَلَيۡهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ مُؤۡمِنِينَ﴿١٩٩

199199. Oo uu ku dul akhriyi lahaa, ma ay rumeeyeen waxa ku soo arooray [14].

كَذَٰلِكَ سَلَكۡنَٰهُ فِي قُلُوبِ ٱلۡمُجۡرِمِينَ﴿٢٠٠

200200. Sidaasaan u galinnaa 'diiddada Xaqa' quluubta denbiilayaasha.

لَا يُؤۡمِنُونَ بِهِۦ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ﴿٢٠١

201201. Ma ay rumaynayaan (Xaqa) jeeray arkaan cadaabka xanuunka badan.

فَيَأۡتِيَهُم بَغۡتَةٗ وَهُمۡ لَا يَشۡعُرُونَ﴿٢٠٢

202202. Oo ugu imaan si kedis ah iyagoo aan fileyn.

فَيَقُولُواْ هَلۡ نَحۡنُ مُنظَرُونَ﴿٢٠٣

203203. Markaasay odhan: Ma nala siinayaa fursad (aan ku rumeyno)?

أَفَبِعَذَابِنَا يَسۡتَعۡجِلُونَ﴿٢٠٤

204204. Ee ma cadaabkayaga bay degdegsan?

أَفَرَءَيۡتَ إِن مَّتَّعۡنَٰهُمۡ سِنِينَ﴿٢٠٥

205205. Bal ka warran, haddaan u deyno inay raaxeystaan sanooyin.

ثُمَّ جَآءَهُم مَّا كَانُواْ يُوعَدُونَ﴿٢٠٦

206206. Markaas uu u yimaado ciqaabka loogu gooddiyo.

مَآ أَغۡنَىٰ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يُمَتَّعُونَ﴿٢٠٧

207207. Maxay u tari Waxa loogu raaxeeyey?

وَمَآ أَهۡلَكۡنَا مِن قَرۡيَةٍ إِلَّا لَهَا مُنذِرُونَ﴿٢٠٨

208208. Ma jirtona magaalo aan halaagno Annagoon marka hore u dirin Digayaal.

ذِكۡرَىٰ وَمَا كُنَّا ظَٰلِمِينَ﴿٢٠٩

209209. Si loo waaniyo, mana nihin kuwo ku gardarrooda (dadka).

وَمَا تَنَزَّلَتۡ بِهِ ٱلشَّيَٰطِينُ﴿٢١٠

210210. Ma ayan keenin [15] 'Qur’aankan' Shaydaammada.

وَمَا يَنۢبَغِي لَهُمۡ وَمَا يَسۡتَطِيعُونَ﴿٢١١

211211. Kuma habboona, mana laha awood (sheydaammadu) inay isagoo kale (Qur’aankan) keenaan.

إِنَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّمۡعِ لَمَعۡزُولُونَ﴿٢١٢

212212. Waa kuwo laga fogeeyey inay maqalaan 'Qur’aanka' [16].

فَلَا تَدۡعُ مَعَ ٱللَّهِ إِلَٰهًا ءَاخَرَ فَتَكُونَ مِنَ ٱلۡمُعَذَّبِينَ﴿٢١٣

213213. Ee ha la baryin (caabudin) ilaah kale la jirka Alle si aadan uga mid noqon kuwa la cadaabayo.

وَأَنذِرۡ عَشِيرَتَكَ ٱلۡأَقۡرَبِينَ﴿٢١٤

214214. U dig xigtadaada kuu dhow.

وَٱخۡفِضۡ جَنَاحَكَ لِمَنِ ٱتَّبَعَكَ مِنَ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ﴿٢١٥

215215. Oo u raarici garabkaaga ciddii ku raacda ee ka mid ah mu’miiinta.

فَإِنۡ عَصَوۡكَ فَقُلۡ إِنِّي بَرِيٓءٞ مِّمَّا تَعۡمَلُونَ﴿٢١٦

216216. Haddayse ku caasiyaan dheh: Anigu barii baan ka ahay waxaad fashaan.

وَتَوَكَّلۡ عَلَى ٱلۡعَزِيزِ ٱلرَّحِيمِ﴿٢١٧

217217. Talo saarona (Alle) Adkaadaha Sare, Naxariista Badan,

ٱلَّذِي يَرَىٰكَ حِينَ تَقُومُ﴿٢١٨

218218. Ee ku arka markaad kaceyso [17].

وَتَقَلُّبَكَ فِي ٱلسَّٰجِدِينَ﴿٢١٩

219219. Iyo gad-gaddoonkaaga dhexdood [18] kuwa u sujuuda (Alle).

إِنَّهُۥ هُوَ ٱلسَّمِيعُ ٱلۡعَلِيمُ﴿٢٢٠

220220. Hubaal (Alle) waa wax kasta Maqlaha, wax kasta Ogsoon.

هَلۡ أُنَبِّئُكُمۡ عَلَىٰ مَن تَنَزَّلُ ٱلشَّيَٰطِينُ﴿٢٢١

221221. Ma idiin sheegaa (dadow) kan ay ku soo degaan shaydaammada?

تَنَزَّلُ عَلَىٰ كُلِّ أَفَّاكٍ أَثِيمٖ﴿٢٢٢

222222. Waxay ku soo degaan beenaale kasta, denbiile ah.

يُلۡقُونَ ٱلسَّمۡعَ وَأَكۡثَرُهُمۡ كَٰذِبُونَ﴿٢٢٣

223223. Waxay dhigtaan dhegaha [19], badankoodna waa beenlawyo.

وَٱلشُّعَرَآءُ يَتَّبِعُهُمُ ٱلۡغَاوُۥنَ﴿٢٢٤

224224. Gabyaayadana waxaa raaca kuwa habowsan.

أَلَمۡ تَرَ أَنَّهُمۡ فِي كُلِّ وَادٖ يَهِيمُونَ﴿٢٢٥

225225. Miyaadan arag inay tog kasta la wareegeystaan (wareer ku jira, iyagoo ku ammaana dad run iyo beenba)?

وَأَنَّهُمۡ يَقُولُونَ مَا لَا يَفۡعَلُونَ﴿٢٢٦

226226. Iyo inay sheegaan waxaysan falayn [20].

إِلَّا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّٰلِحَٰتِ وَذَكَرُواْ ٱللَّهَ كَثِيرٗا وَٱنتَصَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْۗ وَسَيَعۡلَمُ ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ أَيَّ مُنقَلَبٖ يَنقَلِبُونَ﴿٢٢٧

227227. Kuwa (Xaqa) rumeeyey ma'ahee oo samaha fala, oo xusa Alle in badan, oo difaaca nafahooda (iyo mu’miniintaba) marka la dulmiyo kaddib [21]. Way ogaan kuwa fala dulmiga (shirkiga iyo macaasida) rogmasho noocee ah bay rogmi 'Qiyaamada' [22]?

RELATED SURAHS